Sawirro: Wasiir Odawaa iyo M. Xaashi oo si weyn loogu soo dhaweeyey Degmada Godinlabe

Wasiirka Arimaha gudaha iyo federaalka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odaawaa oo ay wehliyaan Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Cabdi iyo Mas’uuliyiin kale  ayaa galabta booqasho ku tagay degmada Godinlabe ee gobolka Galgaduud. Ujeedada Booqashada ayaa aheyd sidii loo dhageysan lahaa bulshada Godinlabe, iyo xaqiijinta heshiiskii laga gaaray shaqaaqadii godinlabe ka […]

Continue Reading

Sawirro: Maxaa looga hadlay Shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirada Galmudug

Kulanka khamiislaha ee Golaha Wasiirada dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta waxaa looga hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin diyaarinta dakhliga guud ee wasaaradaha, baahinta iyo qeybinta gargarka dhawaan turkigu soo garsiiyey dowlad goboleedka Galmudug. Shirka waxaa shir gudoominayay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug maxamed Xashi Cabdi waxaa maanta diirada lagu saaray doorashoyinka dhawaan […]

Continue Reading

Sawirro: Madaxweynaha Galmudug oo Kampala kula kulmay sh. Shariif

Madaxweynaha Maamul goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa xalay ku booqday hoyga uu ka degan yahay magaalada Kampala Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed. C/kariin Guuleed ayaa waxaa ku wehliyay booqashada uu ugu tagay Madaxweyne Shariif Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kampala Sayid Axmed Sheekh Dahir, waxayna kaga wada hadleen xaalada dalka iyo marxaladihii […]

Continue Reading

Sawirro: Gabar Soomaaliyeed oo 40 sano kadib Aabaheed Facebook-ga ka heshay

Gabar Soomaali ah balse hooyadeed ay Ruush tahay ayaa afartan sano kadib heshay aabaheed kadib markii ay codsi dhigtay barta bulshada ee Facebook. Sayid Axmed Sharif oo ah Farxiya aabaheed ayaa kamid ahaa arday Soomaaliyeed oo waxbarsho u joogtay dalka Ruushka,xilligaa oo uu ku bartay Farxiya hooyadeed. Hase yeeshee markii uu bilowday dagaalkii Soomaaliya iyo […]

Continue Reading

Sawirro: Bandhiga Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta oo maanta ka furmay Muqdisho

Bandhiga Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta Muqdisho ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho , Carwadan ayaa la qabanayaa sanadkii labaad  waxaana ka soo qeyb galay qorayaal Soomaali iyo Ajnabi isugu jira oo ka kala yimid gudaha dalka iyo dibadaba, Carwadan Buugaagta  ayaa socon doontaa saddex maalmood  17,18,19 bishan. Maxamed Diini oo ah Madaxa Carwada Buugaagta Muqdisho […]

Continue Reading

Sawirro: Wasiir Odawaa oo la kulmay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Fedraalka Soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa maanta Madaxtooyada Cadaado kula kulmay Madaxweyne ku xigeenka  Galmudug ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Xaashi Cabdi, Waxaa sidoo kale kulan ku wehlinayey Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Benaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye Yabooh, iyo siyaasiyiin kale. Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay  arimo […]

Continue Reading

Madaxweyne Xasan oo sheegay in Dhulka Soomaali galbeed ay itoobiya leedahay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Horn Cable ayaa ka hadlay arrimo badan, isagoo qodobka ugu xasaasin uu ka mid ahaa dhulka deegaanada Soomaalida degto ee ay heysato Itoobiya, halkaasoo todobaadkii hore uu booqasho ku tagay. “Dabcan dowladda Dhexe ee Itoobiya ayaa casuumaad iyo martiqaad noo fidiyay, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya […]

Continue Reading

Wasiir Odawaa oo wali Shirar Muhiim ah la leh Waxgaradka Cadaado

Wasiirka Arimaha gudaha iyo federaalka DFS C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa kulamo isdaba joog ah la leh waxgaradka degmada Cadaado, waxaa wasiirka kullanka ku wehliya Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Benaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh, Madaxweyne ku xigeenka hore Maamulkii Ximan iyo Xeeb C/raxmaan Shaaticadde, Wasiiro iyo xildhibaano Galmudug, siyaasiyiin iyo waxgarad kale. Ciidamadii Nabad suggidda […]

Continue Reading

Sawirro: Bulshada Hobyo oo go'aansaday in Mashruuca Tabar-Wadaag lagu maalgaliyo Garoonka diyaaradaha Hobyo

Fagaaraha wacyi-gelinta magaalada Hobyo waxaa shalay  lagu soo gabo-gabeeyey shirar iyo talo isweydaarsi muddo hal todobaad ah u socday dadweynaha ku nool Hobyo, iyagoo ka tashanaayey sida loo kala hormarinayo horumarinta magaalada, ugu dambayntiina waxay dadwaynuhu cod u qaadeen sagaal baahiyood oo deegaanka ka jirta iyo sidey ugu kala mudanyihiin ama ay ugu kala horrayndoonaan […]

Continue Reading

Sawirro: Shirka Wadatashiga dhismaha Golaha deegaanka Degmooyinka Cabudwaaq iyo Hobyo oo Cadaado ka furmay

Shirka looga tashanayo dhismaha golaha deegaan oo ay yeeshaan degmooyinka Cabudwaaq iyo Hobyo ayaa maanta ka furmay Magaalada Cadaado xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad goboleedka Galmudug. Kullan ayaa waxaa daah furay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi, waxaana soo qaban qaabisay wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Galmudug. Shirkan ayaa waxaa ka soo […]

Continue Reading