Wasiirka Arimaha gudaha iyo federaalka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odaawaa oo ay wehliyaan Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Cabdi iyo Mas’uuliyiin kale ayaa galabta booqasho ku tagay degmada Godinlabe ee gobolka Galgaduud.
Ujeedada Booqashada ayaa aheyd sidii loo dhageysan lahaa bulshada Godinlabe, iyo xaqiijinta heshiiskii laga gaaray shaqaaqadii godinlabe ka dhacday, dadweynaha ayaa sacab iyo caleemo qoyan ku soo dhaweeyey wafdiga.
Wasiirka iyo Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxgaradka Godinlabe kula hadlay hoolka shirarka degmada ayaa ka codsaday in maamulka lala shaqeeyo, ayna u istaagaan sidii aysan mar dambe shaqaaqo uga dhici laheyn deegaanka.
Dhanka kale wasiirka ayaa wadahadal ugu baaqay Maamulka Ahlu sunna oo fadhigiisu yahay degmada Dusmo-reeb ee xarunta gobolka Galgaduud, isagoo sheegay in ay dhamaatay waqtigii qori wax lagu maamulayey, loona gudbay waqti wada hadal iyo isqancin.
wasiirka ayaa booqday goobo badan oo magaalada ah, waxaana bulshada aad u farax galiyey in wasiirku lug ku maro magaalada, isagoo lacago ugu deeqay dhismaha guriga Hooyooyinka, Masaajidka weyn ee Magaalada iyo dad tabaalsan, waxuuna dhageysanayey dadkii uu la kulmay, dadka ayaan u riyaaqsanaa socdaalka wasiirka, waxaan booqashadan ku soo gaban gabowday jawi dagan, wasiirka ayaa caaawa dib ugu soo laabta degmada Cadaado.
Comments are closed.