Joe Hart ayaa soo jeediyay inuusan u ciyaari doonin Manchester City, kadib markii uu amaah uga biiray kooxda Torino amaah hal xili ciyaareed ah.
goolhayaha dookha koowaad ee xulka England waxaa uu ku war galiyay inuusan danbe kasoo muuqan doonin kooxdiisa islamarkaana uusan qeyb ka aheyn qorshahiisa macalinka reer spain.
ka dib markii ay Bravo kasoo iibsatay Barcelona naadiga City waxaan u cadaatay in aan loo baahneyn isagoo isaga dhaqaaqay wadanka talyaaniga.
hishiisha amaahada ah ee Joe Hart uu kulan joogo kooxda Serie A ka ciyaarta ayaa waxa uu dhacayaa xagaaya soo socda waxaana u furan dookh ah inuu kusii nagaado magaalada Torino waa hadii la isku af garto labada dhinac.
warbixinada qaar ayaa soo jeedinaya in kooxda ay doonayso inay amaahda u balaariso si ay gacanta ugu sii hayaan ilaa dhamaadka xagaaga 2017/18.
W/D Hafsa Haji