Sawirro: Gabar Soomaaliyeed oo 40 sano kadib Aabaheed Facebook-ga ka heshay

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Gabar Soomaali ah balse hooyadeed ay Ruush tahay ayaa afartan sano kadib heshay aabaheed kadib markii ay codsi dhigtay barta bulshada ee Facebook.
sharif-5

Sayid Axmed Sharif oo ah Farxiya aabaheed ayaa kamid ahaa arday Soomaaliyeed oo waxbarsho u joogtay dalka Ruushka,xilligaa oo uu ku bartay Farxiya hooyadeed.

Hase yeeshee markii uu bilowday dagaalkii Soomaaliya iyo Ethiopia oo dowlada Soomaaliya xiriirka u goysay dalkii Midowga Soofiyeet la oran jirey ayaa loo qabtay muddo 24 saacadood gudahood ah inay dalka ugaga baxaan ardaydii Soomaaliyeed.

Sharif ayaa haystay muddo 24 saacadood ah oo kaliya inuu ku ugaga baxo Ruushka,balse waxa uu u dhaafay xaaskii uu ku guursaday Ruushka cinwaankiisa magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya.

Hase yeeshee waxaa ay sababtay in muddo kudhow afartan sano ay is arkin gabar iyo aabaheed. Si kasta ha ahaatee Farhiya ayaa waxa ay sheegtay in carruurnimadeedii ay ahayd gabar ku soo kortay farxad oo aysan dhibaato kala kulmid aabo la’aanta ay ku nooleyd.

“Hooyaday iyo qaraabadeeda ayaan ka helay jaceyl xoog leh oo aan ku dareemin aabahay oo aan is weynay,” ayay tiri Farxiya.

“Aad ayaan iskula qabweynaa muuqaalkeyga aan ka duwanaa ardayda aan isku fasalka ahayn,Macalimiinteyda iskuulka iyo Jaamacadaba waxa ay ii sheegi jireen inaan ahay qof qaas ah oo la yaab leh.”

Farhiya waxa ay marwalba ka fikiri jirtey halka uu aabaheed uu joogo iyo sida uu yahay muuqaalkiisaba.

“Jaceylka aan u qabo aabahay marwalba wuu jiray balse markii aan 12 sano jirsaday ayaan ku fekeray inaan wax uun sameeyo si aan u helo aabahay,”ayay tiri Farxiya oo ka hadlaysay markii ay bilowday raadinta aabaheed.

Xilligan waxaa is bedelay arrimaha siyaasada Midowgii Soofiyeeti waxaa xukunka qabsaday Mikhail Gorbachev oo bilaabay siyaasadiisii furfurnaanta ama Galsnost loo yiqiin,waxayna garowsatay Farxiya in xilligan aysan jirin wax ka celinaya inay aabaheed baadi goobto.

Farxiya waxa ay bilowday inay warqado u dirto dalka Soomaaliya kuna dirto cinwaan uu aabaheed ugaga tagay, balse warqadii ay dirtaba waa ay soo laabanaysay iyadoo aan la furin,mana fahmi karin inay gaartay Soomaaliya iyo inkale.

Balse Farxiya waxa ay la xiriirtay ururada ka jira USSR kuwaasoo ka caawin jiray dadka kala luma inay dib u midoobaan. Sidoo kale waxa ay la xiriirtay Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah kuwaasoo qoysaska isku raadin jirey balse nasiid darro waxba kama helin.

Farxiya ayaa ogaatay in carruur badan oo Afrikaan ah ay waalidkood heleen balse iyada ay ka duwanayd maadaama dalka Soomaaliya uusan xilligaas la laheyn xiriir diblumaasi dalka ay kula nooleyd hooyadeed.

Hase yeeshee marwalba waxa ay isku dayi jirtey inay raadiso aabaheed oo dadal walba ay u gasho sidii ay ku heli lahayd. Waxayna dareentay culeyskii ugu darnaa markii dagaalada sokeeye ay ka bilowdeen dalka Soomaaliya oo ay dowladii dhexe burburtay 1991kii.

Dagaalka sokeeyee ee dalka Soomaaliya ayaa iska jiitamay muddo ku dhow labaatan sano,balse waxaa caalamka ka bilowday baraha bulshada iskula xiriirto taasoo rajo u yeeshay Farxiya.

Barta bulshada ee dadka Ruushka isticmaalaan Vkontakte ayay kula kulantay haweeney caawisa dadka kala luma,balse ma noqon mid ay ku guuleysato Farxiya inay ku hesho aabaheed.

“Warqad ayaan u qoray balse waxay igu tiri haddii uu aabaha uu Soomaaliya joogo ma heli karaysid,”ayay tiri Farxiya. Kadib waxa ay bilowday Farxiya in ay sawirada Soomaaliya ka soo dejiso barta bulshada ee loo yaqaan Instagram. Sawiro badan oo ay jecleysatay ayaa waxaa soo geliyay nin Soomaali ah oo magaciisa ku sheegay Deeq,waxayna go’aansatay in ay qoraal u dirto si uu ugaga caawiyo helida aabaheed.

16March.Qoraalkii Farxiyo ayuu Deeq soo geliyay bogga Faceboogiisa. Kadibna waxaa bilowday jawaabtii qoraalka.

Qoraalo badan ay iska soo dabadhacaan, mid kamid ah qoraalada waxa uu ka yimid dalka Norway.”Taas waa walaasheen Farxiya,” ayaa ku qorneyd. Waxaa soo qoray mid ka mid ah gabdhaha ay isku aabaha yihiin Farxiya kaas oo ku nool dalka Norway magaalada Oslo aabaheedna waqtigaas ay isla joogeen.

Dhowr toddobaad kadib markii lagu wada sheekeystey Skype ayay Farxiya oo ay la weheliyaan hooyadeed iyo saygeeda waxa ay u safreen Norway si ay ula kulmaan aabaheed. “Waxa uu noqday sidii aan u malaynayay inuu u ekaa aabahay,”ayay tiri Farxiya. “Qaabka socodka,codka waan isaga egnahay waxa ay ahayd wax aan la rumeysan karin ugu dambeyntii waan kulanay aabahay waqti dheer kadib!”

Farxiya waxa ay la kulantay sadddex gabdhood ay walaalo yihiin iyo weliba wiil ay isku aabo yihiin oo ku nool dalka Sweden,iyadoo wadanka Sweden uu aabaheed si rasmi ah u degen yahay. Gabadhan Farxiyo ayaa waxa ay ogaatay in aabaheed uu sidoo kale raadinayay. “Markii ugu horeysay ee aan ku wadahadalnay qadka Skype waxa uu ii sheegay in uu muddo dheer uu raadinayay,”ayay tiri farxiya.

Balse waa ay ka guureen halkii uu ku ogaa markii ay hooyadeed guursatay, mana haysan Sharif cinwaankooda cusub.sida gabadhiisa oo kale waxa dhibaato ku noqotay xiriirkii burburay ee labada dal. Farxiya iyo hooyadeed waxa ay si joogta ah ula hadlaan Sharif waxaana la qorsheynayaa in markale ay ku kulmaan magaalada St Petersburg ee dalka Ruushka.

Waxaa jira wax badan oo ay Farxiya ka dooneyso inay ka ogaato nolosha aabaheed, hooyadeed iyo iyadana waxa ay doonayaan inay ugaga sheekeeyaan afartankii sano ee ay kala maqnaayeen. Nasiib wanaag, Sharif waxa uu weli xusuustaa luqada Ruushka ee uu bartay xilligii uu ardayga ka ahaa dalka Ruushka.

Farxiya ayaa ku faraxsan in qoys ballaaran ay leedahay oo ku kala firirsan Soomaaliya illaa iyo Scandanavia, waxayna mararka qaarkood ay rumeysan weysaa in raadintii ay dhamaatay. Taleefankeeda ayaa hadda waxaa ku jira cinwaanada ugu muhiimsan nolosheeda, laga yaabee inaysan mar dambe iska lumin doonin halka laga helo aabaheed iyo walaalaheed.

sharif-1 sharif-2 sharif-3 sharif-4
Xigasho;BBC waxaa tarjumay Mohamed Caseyr

Comments are closed.