Wasiir Odawaa oo wali Shirar Muhiim ah la leh Waxgaradka Cadaado

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wasiirka Arimaha gudaha iyo federaalka DFS C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa kulamo isdaba joog ah la leh waxgaradka degmada Cadaado, waxaa wasiirka kullanka ku wehliya Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Benaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh, Madaxweyne ku xigeenka hore Maamulkii Ximan iyo Xeeb C/raxmaan Shaaticadde, Wasiiro iyo xildhibaano Galmudug, siyaasiyiin iyo waxgarad kale.

Ciidamadii Nabad suggidda Galmudug iyo kuwii gadoodsanaa ayaa la kala  qaaday Godinlabe,iyadoo ciidankii NISA dib loogu soo celiyey degmada Cadaado, halka ciidankii Gadoodsanaa magaalada laga saaray, waxaana Ammaanka Magaalada lagu wareejiyey ciidanka Booliska Galmudug.

Wada hadalo lagu soo afjarayo arinta ganacsatada iyo maamulka Galmudug ayaa caawa ka socota Cadaado, Saxaafadda ayaa dib joog ka ah shirarka Wasiir Odawaa iyo Waxgaradka Cadaado.

Dhanka kale Magaalada Godinlabe ayaa maanta dadkii ka qaxay dib ugu soo laabteen, waxaana dib u furmay ganacsigii, waxbarashadii iyo caafimaadkii Magaalada, mar aan shalay booqanay Godinlabe ayaa waxaa ka muuqday baraka iyo saasaan colaadeed.

Shirarka wasiirka iyo bulshada deegaanka ay dadku aad u hadal hayaan, waxaana la filayaa in wasiirku kulamo dheeraad ah la yeesho siyaasiyiin Degmada Cadaado ugu jira dowlad goboleedka Galmudug, iyadoo bulshada Cadaado tabashooyin ka muujiyeen hab dhaqanka Maamulka Galmudug.

wixii ku soo kordha shirarkaan kala soco www.ceelhuur.net

Comments are closed.