Sawirro: Saraakiil Kenyan ah oo ku dhintay Qarax miino

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Inta la xaqiijiyey 4 Sarkaal  oo ka mid ah Booliska Kenya ayaa ku dhintay, 2 kale way ku dhaawacmeen,  kadib markii Gaari ay wateen saaka Qarax Miino lagula eegtay degaanka Libooyo

Gaariga ayaa marayay Tuulada Kulandam oo Libooyo ka tirsan,waxaana Gaariga ay ku socdeen iskalahaa Taliyaha Booliska degaanka Kulandam oo ay ku sii socdeen.

Saddex kale oo ka mid ahaa Saraakiisha Booliska ee la qarxiyay oo kala ah Dennis Mwachiru, Titus Mwangi iyo Peter,ayaa ka badbaaday weerarkaas iyaga oo aan dhaawac gaarin.

Labada dhaawaca ah ayaa lagu kala magacaabaa  Oliver Ochieng iyo Nahashon Omondi , afarta dhimatay ayey Warbaahinta Kenya ka gaabsatay Magacooda waxaana ay sheegeen in aysan baahineyn inta Qoysaskooda laga wargelinayo.

Afhayeen u hadlay Booliska Kenya oo lagu magacaabo  Boinnet,ayaa sheegay in weerarka ay ka dambeyso Argagixiso sida uu hadalka u dhigay,kuwaas oo dhawana dilay madixii Booliska Mandheera.

IMG_20170524_124003 FB_IMG_1495615583848