Sawirro: Madaxweynaha Galmudug oo Kampala kula kulmay sh. Shariif

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Maamul goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa xalay ku booqday hoyga uu ka degan yahay magaalada Kampala Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

C/kariin Guuleed ayaa waxaa ku wehliyay booqashada uu ugu tagay Madaxweyne Shariif Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kampala Sayid Axmed Sheekh Dahir, waxayna kaga wada hadleen xaalada dalka iyo marxaladihii u dambeeyay.

sharif-guled

Madaxweyne Guuleed ayaa uga warbixiyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya xaalada dalka, doorashooyinka la galayo iyo dhismaha dowlad goboleedyada.

Labada Mas’uul ayaa is weydaarsaday hadalo kaftan siyaasadeed, sidoo kale Madaxweyne Shariif ayaa ka mahad celiyay booqashada uu ugu yimid, waxaana uu u rajeeyay caafimaad inuu siiyo, kadib markii Madaxweynaha Galmudug uu bishii la soo dhaafay qalliin dhinaca wadnaha loogu sameeyay dalka Hindiya.

shariif-guuleed

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo saaxibo dhow ah ayaa la sheegaa inuu dhowaanahan soo kala dhex galay mad-madow siyaasadeed, iyadoo dhowaan uu ka soo hor-jeestay qaar ka mid ah qodobadii laga soo saaray shirkii Madasha Wada-tashiga qaran.shariif-guuleed1

 

Si kastaba ha ahaatee bisha October ee soo socota ayaa la filayaa inay dhacdo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo la sheego in Sheekh Shariif ka mid yahay musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha.

Comments are closed.