Sawirro: Maxaa looga hadlay Shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirada Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Kulanka khamiislaha ee Golaha Wasiirada dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta waxaa looga hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin diyaarinta dakhliga guud ee wasaaradaha, baahinta iyo qeybinta gargarka dhawaan turkigu soo garsiiyey dowlad goboleedka Galmudug.

Shirka waxaa shir gudoominayay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug maxamed Xashi Cabdi waxaa maanta diirada lagu saaray doorashoyinka dhawaan ka dhacaya deeganada Galmudug, arimaha Dakhliga wasaaradaha soo afjarida isbaaroyin dhawaan lagu arkay meelo kamid ah.

Galmudug ,arimaha qeybinta macawinada kayimid dalka turkiga oo deeganada Galmudug soo gaaray iyadoona gudi loo qabtay sidii gargaarkan loo qeybin lahaa gargaarkaas, Arimaha doorashooyinka dhawaan waxaa soo gaaraya cadaado gudiga soo xulista baarlamaanka federaalka iyo aqalka sare ee somalia .

Maamulka Galmudug ayaa u xilsaartay soo dhaweynta gudigaas wasaaradaha Arimaha gudaha iyo Dastuurka Galmudug. Ugu danbeytii shirka waxaa sooxiray madxweyne kuxigeenka Galmudug maxamed xashi cabdi waxa uuna ku soo dhamaaday jawiwanaagsan.

13934674_10205723934736426_6357730235441922575_n 14034981_10205723933296390_3512957758953379224_n 14064061_10205723934176412_754591651745483066_n 14067557_10205723935096435_293788796903914780_n 14068088_10205723933776402_810447954123132916_n

7 thoughts on “Sawirro: Maxaa looga hadlay Shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirada Galmudug

Comments are closed.