Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Horn Cable ayaa ka hadlay arrimo badan, isagoo qodobka ugu xasaasin uu ka mid ahaa dhulka deegaanada Soomaalida degto ee ay heysato Itoobiya, halkaasoo todobaadkii hore uu booqasho ku tagay.
“Dabcan dowladda Dhexe ee Itoobiya ayaa casuumaad iyo martiqaad noo fidiyay, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa martiqaadkaas noo fidiyay, dowlad deegaankaas waa dowlad ka tirsan dalka Itoobiya, dadka noloshooda cida carqaladeyneysa cudur daar ma lahan, horumarka iyo wanaaga aan halkaas ku soo aragnay maanta cida dhaheysa waa xoreyneynaa ma raacsani, cidii ra’yi siyaasadeed qabta nabad haki cabiraan, dadka dalkaas xoreynayaa wax aan aqbalsanahay ma ahan”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka jawaabayay su’aal la weydiiyay oo ku saabsaneyd waxa uu ka aamisan yahay dhulka Soomaalida Itoobiya iyo halganka ay ugu jirto Jabhada ONLF.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa noqday Madaxweynihii u horeeyay oo Soomaali ah oo taga dhulka Soomaalida Itoobiya degto, waxaana dad badan ku dhaliileen inuu u xalaaleeyay dhulkaas dowladda Itoobiya oo waxyaabihii dagaalkii 1977 u bilowday ay qeyb ka aheyd dhulka Soomaali Galbeed ee ay xoogga ku heysatay.
Comments are closed.