Maxamuud Tarsan Safiirka Cusub Soomaaliya u fadhin doona Dalka Kenya

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan. Maxamuud Tarsan ayaa shalay gaaray  magaalada Nairobi caasimadda Kenya, isagoo  dhowaan loo magacaabay Safiirka cusub ee Soomaaliya ee Kenya. Mr Tarsan ayaa ka mid ahaa illaa 17 Safiir oo maanta waraaqahooda aqoonsiga uu qasriga Madaxtooyada […]

Continue Reading

Golaha Shacabka oo Ansixiyey Xeerka xuquuqda siyaasiyiinta Dowladda

kulanka guud ee Golaha Shacabka waxa uu ka koobnaa hal ajande, oo ahaa akhrinta saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Mashruuca Liilitirka ama xeerka xuquuqda siyaasiyiinta Dowladda,waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Ugu horeyn Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan oo ah Xoghayaha guddiga Xeer hoosaadka ee Golaha Shacabka ayaa Xildhibaanada golaha u […]

Continue Reading

Ciidanka Amniga oo gacanta ku dhigay nin Alshabaab ah

Ciidamada Amniga oo howlgal qorsheysan ku soo qabtay Xubin ka tirsan Ururka Alshabaab oo maleegayay Qaraxyo lagu waxyeeleynayo shacabka, sida uu sheegay Taliska NISA. War kooban oo kasoo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA oo lagu daabacay bogga Twitterka NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan aysan jirin cid wax ku noqotay. “Ciidanka […]

Continue Reading

Saraakiil Maraykan ah oo Safar ku tagay Dusmareeb

Magaalada Dusmareeb caasimadda Galmudug ayaa waxaa maanta safar aan la shaacin ku tagay saraakiil ka socotay Maraykanka. Saraakiishan ayaa kulan la qaatay Madaxda Galmudug garabka Dusmareeb Axmed Ducaale Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir. Sidoo kale waxaa kulanka ka qeybgalay Taliyayaasha ciidanka Danab qeybta 21aad iyo ciidanka PSF Puntland. Kulankan ayaa ka dhacay garoonka diyaaradaha Dusmareeb, […]

Continue Reading

Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho (Sawirro)

Qarax gaari ayaa galabta ka dhacay meel u dhow isgoyska Sayidka Magaalada Muqdishu, qaraxaan oo ahaa nuuca gawaarida lagu dhajiyo ayaa waxaa ku dhintay agaasimihii Saciid Xuuki Jaamac oo ahaa agaasime waxeed wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta. Gaariga qaraxa lala eegtay ayaa ahaa nuuca Toyota Carib, waxaana sidoo kale dhaawac kasoo gaaray laba qof oo kale. ciidamada […]

Continue Reading

Doorshada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo dib loo dhigay

Waxaa markii 3aad dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha Maamul goboleedka Koofur Galbeed, Guddigga doorashada ayaa ku dhawaaqay in ay doorashada dib ugu dhigeen caqabada jira, ayna u baahan yihiin waqti dheeraad. Doorashada Koofur Galbeed ayaa loo madlanaa Arabaco 5 December 2018, Waxaana dib loo dhigay ilaa 19 December 2018. halkaan ka aqriso warsaxaafadeedka Guddiga doorashada […]

Continue Reading

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo loogu soo dhaweeyey Muqdisho (Sawirro)

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Magaalada Muqdisho, kadib safar maalmo qaatay oo uu ku tagay dalka Turkiga. Gudoomiyaha ayaa waxaa soo dhaweeyey xildhibaano farabadan iyo ku xigeenadiisa , waxaana goobta ka muuqatay in soo dhaweyntiisa loo kala harin mucaarad iyo muxaafid. Gudoomiyaha ayaa hadal […]

Continue Reading

Madaxweynihii hore Maraykanka George HW Bush oo geeriyooday

Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka George HW Bush ayaa xalay ku geeriyooday da’da 94 jir, sidaas waxaa shaaciyey wiilkiis  George W Bush. George Bush ayaa soo noqday Madaxweynaha 1989 ilaa 1993, wuxuu ahaa askari kasoo qeybgalay dagaalkii 2aad Adduunka, wuxuuna siyaasadda ku soo biiray 1964, wuxuuna ka tirsanaa xisbiga Jamhuuriga Maraykanka. George Bush ayaa lagu […]

Continue Reading

Galmudug oo ka jawaabtay Hadalkii Aqalka Sare (Daawo)

Wasiirka Warfaafinta Dowlad goboleedka Galmudug Cabdiraxmaan Heeloos oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado ayaa ka jawaabay hadalkii kasoo yeeray Aqalka Sare ee ahaa in aqalka sare ku guuleystay dhameynta khilaafka Dowladda Dhexe iyo Dowlad goboleedyada. Wasiir Heeloos ayaa sheegay in wax khilaaf ah uusan u dhaxeyn Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedka Galmudug, sidoo […]

Continue Reading

Cadaado: Waddo lagu dhisay iskutashi oo Xariga laga jaray (Daawo)

Waxaa maanta xarigga laga jaray waddo jay ah oo lagu dhisay hab iskutashi ah xaafadda Waaberi Magaalada Cadaado, wadadan ayaa waxaa dhismaheeda iska kaashaday: 1- Shirkadda Dhismaha XIMAN oo uu leeyahay ganacsade Cilmi Nure 2. Xildhibaan Xuseen Ibraahim Xamarow. 3. Gudoomiye ku xigeenka Degmada Cadaado Nuur Yarow Xeyle. 4. iyo Bulshada Xaafadda Dagan. https://youtu.be/yyCH0R6MV6I

Continue Reading