Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho (Sawirro)

Wararka Maanta

Qarax gaari ayaa galabta ka dhacay meel u dhow isgoyska Sayidka Magaalada Muqdishu, qaraxaan oo ahaa nuuca gawaarida lagu dhajiyo ayaa waxaa ku dhintay agaasimihii Saciid Xuuki Jaamac oo ahaa agaasime waxeed wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta.

Gaariga qaraxa lala eegtay ayaa ahaa nuuca Toyota Carib, waxaana sidoo kale dhaawac kasoo gaaray laba qof oo kale. ciidamada Ammaanka oo goobta soo gaaray ayaa gurmad u sameeyey dadka waxyeeladu soo  gaartay.

Qaraxyada iyo dilalka shaqaalaha dowladda ayaa ku badan Magaalada Muqdisho, sidoo kale todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa la beegsaday shaqaalaha shirkadda Hormuud.