Maxamuud Tarsan Safiirka Cusub Soomaaliya u fadhin doona Dalka Kenya

Wararka Maanta

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Maxamuud Tarsan ayaa shalay gaaray  magaalada Nairobi caasimadda Kenya, isagoo  dhowaan loo magacaabay Safiirka cusub ee Soomaaliya ee Kenya. Mr Tarsan ayaa ka mid ahaa illaa 17 Safiir oo maanta waraaqahooda aqoonsiga uu qasriga Madaxtooyada Nairobi kaga guddoomay Uhuru Kenyatta.

 

Tarsan ayaa horay u ahaa La Taliyaha Madaxweyne Farmaajo, waxaa uu ka mid ahaa Musharaxiintii isu sharaxday xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee doorashadii 8 February.

Sidoo kale Tarsan ayaa horay u soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, waxa uuna ka mid ahaa siyaasiyiintii Dowladda Soomaaliya kusoo biiray shirkii Jabuuti 2009.

Magacaabida Tarsan ee Safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa meesha ka saari doonta muddo sanad iyo bilooyin oo ay Safaaradda Soomaaliya aheyd Safiir la’aan.