Taliska AFRICOM oo ka warbixiyey Weerarkii Awdheegle

Wararka Maanta

War ka soo baxay taliska ciidamada Militariga Mareykanka ee Africom ayaa looga hadlay howlgalkii ugu dambeeyay oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab,kaasi oo ka dhacay gobolka Sh/Hoose.

Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday deegaanka Owdheegle lagu dilay ilaa 4 ka tirsanaa maleeshiyaadka Alshabaab,kadib markii la beegsaday labo xarumood oo dadka shacabka ah ay baada kaga qaadi jireen.

Howlgalka oo ay si wada jir ah u qaadeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa dhacay xili habeen ah,waxaana Mareykanka uu sheegay in aysan jirin waxyeelo soo gaartay dad shacab ah.

Sidoo kale warbixinta waxaa lagu sheegay in lagu burburiyay waxyoobo qarxo oo ay Alshabaab gawaari ay ku diyaariyeen.

Bilihii ugu dambeeyey waxaa sii kordhayay weerarada ka dhanka ah maleeshiyaadka Alshabaab oo ku dhuumaalaysanaya qeybo kamid ah gobolada dalka,iyadoo horjoogayaal iyo saraakiil badan lagu khaarijiyay duqeymo iyo howlgalo toos ah oo lagu qaaday Alshabaab.