Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo loogu soo dhaweeyey Muqdisho (Sawirro)

Wararka Maanta

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Magaalada Muqdisho, kadib safar maalmo qaatay oo uu ku tagay dalka Turkiga.

Gudoomiyaha ayaa waxaa soo dhaweeyey xildhibaano farabadan iyo ku xigeenadiisa , waxaana goobta ka muuqatay in soo dhaweyntiisa loo kala harin mucaarad iyo muxaafid. Gudoomiyaha ayaa hadal kooban oo uu siiyey saxaafadda yiri: “Waad mahadsan tihiin soo dhaweyntiina Xildhibaanada Sharafta leh, waan idin kaga mahad celinayaa sida walaaltinimada ah ee aad ii soo dhaweyseen, wixii shaqo ah guri ayaan leenahay halkaasi ayaan uga hadleynaa, halkaan wax shaqo ah ugama hadleyno waad mahadsan tihiin soo dhaweyntiina.” Ayuu yiri Gudoomiye Mursal.

Dhanka kale Gudoomiye Mursal ayaa laga wardhowrayaa go’aanka uu ka qaato kala diristii guddiga maaliyadda, gudoomiyaha ayaa horey u sheegay in uu go’aan ka qaadan doono kala dirista guddiga maaliyadda kadib marka uu u laabto dalka. inkastoo la qiyaasayo inuusan qaadan karin go’aan uu kaga hor imaanaya kooxda Nabad iyo Nolol. Hadalka Gudoomiye Mursal ayaa u muuqda “RUN KU SUG”.

Sidoo kale deegaanka laga soo doorto Gudoomiye Mursal ee Koofur Galbeed ayaa waxaa ka taagan xaalad siyaasadeed oo cakiran, siyaasiyiinta iyo xildhibaanada kasoo jeeda Koofur Galbeed ayaa codsaday in dowladda dhexe ka dayso faragelinta iyo in loo madaxbaneeyo xildhibaanada Koofur Galbeed in ay doortaan cidii ku haboon in ay hogaamiso deegaankaas.