Faafaahin Diyaarado xalay duqeeyey koofurta Mudug

Xalay fiidkii ayaa diyaarado dagaal waxa ay duqeeyeen deegaanka Goodirley oo u dhaxeeyo Caad iyo Miiroon koofurta gobolka Mudug. Duqeyntaan ayaa la sheegayaa in lala beegsaday saraakiil sare oo  ka tirsan Alshabaab. Saraakiishan ayaa shalay kormeeray saldhigii Maamiye oo diyaaradaha dagaalka Maraykanku todobaadkii hore dhowr jeer duqeeyeen, saldhigaan ayaa la aaminsan yahay inay alshabaab u […]

Continue Reading

Ergayga QM oo Canbaareeyey Qaraxyadii Gaalkacyo iyo Muqdisho

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom, ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxyadii argagaxiso ee shalay ka kala dhacay magaalada Gaalkacyo iyo caasimadda Soomaaliya ee lagu dilay sheekh caan ah iyo tiro kale oo ah dad rayid ah. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii aroortii hore shalay lagu qaaday […]

Continue Reading

Weerarkii Gaalkacyo oo lasoo afjaray (Sawirro+Warbixin)

Ciidamada Ammaanka Dowlad goboleedka Galmudug iyo ciidanka Danab qeybta 21aad ayaa goordhow soo afjaray weerar rag ka tirsan Alshabaab ku qaadeen xarunta Cabdiwali Sh. Cali Cilmi yare koofurta Magaalada Gaalkacyo. Weerarkan ayaa ku bilowday gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyey oo lagu dhuftay xarunta, waxaana daqiiqado kadib xarunta gudaha u galay dabley ka tirsan Alshabaab, […]

Continue Reading

Shirka Dastuurka ee arrimaha Xuquuqda Aadanaha oo Muqdisho ka furmay (Sawirro)

Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shir seddex maalin socon doona oo ay si wadajir ah u wada qabanayaan Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, shirka oo ku saabsan Xuquuqda Aadanaha gaar ahaan Cutubka Labaad ee Dastuurka KMG ayaa waxaa ka soo qaybgalay Ururada Naafada, Barakacayaasha iyo dadka aan matalaadda siyaasadeed laheyn. […]

Continue Reading

5 Musharax oo u tanaasulay Mukhtaar Roobow

Waxaa goordhow shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo qaar ka mid ah Musharaxiin u taagan doorashada Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed. Musharixiintaan oo ku mideysanaa Golaha isbadal doonka Koofur Galbeed ayaa sheegay in ay u tanaasuleen Musharax Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur. Musharixiintan ayaa ku eedeeyey dowladda Federaalka in ay waddo faragelin, iyagoo dalbaday in Bulshada […]

Continue Reading

Maxaa ka cusub Koofurta gobolka Mudug?

Waxaa dhaqdhaaq ciidan laga dareemaya koofurta gobolka Mudug, xalay ayaa magaalada Cadaado waxaa ka baxay ciidan ka tirsan xoogga dalka Soomaaliya, ciidankan oo watay dhowr gaadiidka dagaalka ayaa gaaray magaalada Wisil, sidoo kale halkaas waxaa gaaray ciidamo kale oo ka kala yimid Hobyo iyo Gaalkacyo. Ujeedada socodka ciidanka iyo halka ay ku wajahan yihiin ayaanan […]

Continue Reading

Wasiir Bayle been ma sheegin, runna ma sheegin !!!

Miisaaniyadda Dowlada Federaal ee 2018 wuxuu Baarlamaanka ansixiyey 6 Agoosto 2017. Miisaaniyada la ansixiyey waxey ahayd $274 malyan. Waxeyna ka koobnayd $156 malyan oo dowladda canshuurta gudaha dalka ka soo saari doonto iyo $118 malyan dakhli deeq ahaan kaga imaan doonta hay’adaha iyo dowladaha miisaaniyadda dowladda Soomaaliyeed ka kaalmeeya sida ( EU, USA iyo World […]

Continue Reading

Wasiirka Boostada oo soo dhoweeyay Qaraarkii Ururka ITU ee Soomaaliya

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa soo dhoweeyay go’aanka Midowga Isgaarsiinta Caalamiga (ITU) uu ku ansixiyay laba qaraar oo mid ka mid ah uu gaar u yahay Soomaaliya. Qaraarka 1aad oo tirsigiisu yahay 34 waa mid guud ahaan oo lagu taageerayo dalalka u baahan inay dib u dhisaan isgaarsiintooda, wuxuuna farayaa madaxda ITU iyo dalalka […]

Continue Reading

Doorashada Koofur Galbeed oo dib u dhacday

Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa dib u dhacday muddo todobaad ah sida ku cad jadwal cusub oo goordhow soo saareen guddiga doorashada Madaxtinimada Koofur Galbeed. Jadwalkan cusub ayaa tilmaamaya in doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed dhici doonto 5 December 2018, halkii horey loo qorsheeyey in ay dhacdo 28 November 2018. waa dib u dhicii labaad ee […]

Continue Reading