kulanka guud ee Golaha Shacabka waxa uu ka koobnaa hal ajande, oo ahaa akhrinta saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Mashruuca Liilitirka ama xeerka xuquuqda siyaasiyiinta Dowladda,waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Ugu horeyn Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan oo ah Xoghayaha guddiga Xeer hoosaadka ee Golaha Shacabka ayaa Xildhibaanada golaha u faah faahiyay xeerka xuquuqda siyaasiyiinta Dowladda iyo meelaha wax ka bedelka ay ku sameeyeen.
Guddoomiyaha guddiga xeer hoosaadka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye, ayaa sheegay in xeerkan ay kusoo dareen dhamaan talooyinkii iyo fikradihii ay horey xildhibaanada ugu Biiriyeen ,wuxuuna golaha ka codsaday in cod la geliyo si uu meel mar u noqdo.
Intaasi ka dib Xildhibaanada Golaha Shacabka,ayaa cod geliyay Xeerka Xuquuqda siyaasiyiinta Dowladda ,waxaana ogolaatay 167-Xildhibaan,iyadoo uu diiday hal xidlhibaan,labo Xildhibaana ay ka aamuseen, iyadoo natiijada codoynta uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Isha: Sonna