Saraakiil Maraykan ah oo Safar ku tagay Dusmareeb

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada Dusmareeb caasimadda Galmudug ayaa waxaa maanta safar aan la shaacin ku tagay saraakiil ka socotay Maraykanka.

Saraakiishan ayaa kulan la qaatay Madaxda Galmudug garabka Dusmareeb Axmed Ducaale Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir. Sidoo kale waxaa kulanka ka qeybgalay Taliyayaasha ciidanka Danab qeybta 21aad iyo ciidanka PSF Puntland.

Kulankan ayaa ka dhacay garoonka diyaaradaha Dusmareeb, waxaana ilo xog-ogaal ah inoo xaqiijiyeen in ujeedada socdaalka saraakiishaan uu ahaa sahminta saldhig ay yeeshaan ciidanka kumaandoosta Danab qeybta 21aad.

Saraakiishan ayaa booqasho ku tagi doona todobaadyada soo socda magaalooyinka Hobyo iyo Cadaado. Iyagoo qiimeyn doona halka ku haboon saldhigga ciidamada Danab saddex magaalo (Dusmareeb, Hobyo iyo Cadaado).

Ciidamada Danab iyo PSF oo ka yimid Gaalkacyo ayaa sugayey amniga saraakiisha Maraykanka ee maanta tagay Dusmareeb.  Ciidanka Danab qeybta 21aad ayaa hadda qeyb ka dagan saldhigga Maraykanka waqooyiga Gaalkacyo.