Ciidanka Amniga oo gacanta ku dhigay nin Alshabaab ah

Wararka Maanta

Ciidamada Amniga oo howlgal qorsheysan ku soo qabtay Xubin ka tirsan Ururka Alshabaab oo maleegayay Qaraxyo lagu waxyeeleynayo shacabka, sida uu sheegay Taliska NISA.

War kooban oo kasoo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA oo lagu daabacay bogga Twitterka NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan aysan jirin cid wax ku noqotay.

“Ciidanka Amniga ayaa si xirfadeysan oo aan cidi wax ku noqon, gacanta ugu soo dhigay dhagarqabe Alshabab ah oo maleegayay qaraxyo uu ku galaafto nolosha shacab badan”.

Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka waxaa ka socda Howlgalo ay wadaan Ciidamada Amniga,iyagoo ku guuleystay inay ka hortagaan dhibaatooyin badan oo Argagixisada ay la doonayeen shacabka Soomaaliyeed.