Wasiir Juxa Muxuu ka yiri xil ka qaadistii lagu sameeyey?

Wararka Maanta

Wasiirkii xilka laga qaaday Cabdi Faarax Juxa ayaa bartiisa Facebookga ku qoray Qoraalkan kooban:

“Waxaan saaka aniga oo Airport-ka u socda, si aan u agaasimo booqashada Madaxweynaha ee Puntland, idaacadda ka ogaaday in Xilkii Wasiirnimo layga qaaday. Xilku waa meerto waana loo siman yahay. Waxaan u mahadcelin Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Khayre oo igu sharfay inaan Xukuumaddooda ka mid noqdo.

Waxaan ku dadaalay intaan xilka hayay inaan qabto wixii karaankay ah. Waxaan soo dhoweynayaa Wasiirka xilka igala wareegaya, waana ugu ducaynayaa in Ilaah Shaqada ku asturo. Waxaan bogaadinayaa dhammaan intii ila soo shaqaysay, gaar ahaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Golihii Wasiirada aan ka midka ahaa, shaqaalaha Wasaaradda, Hay’adaha Caalamiga ah iyo dhammaan asxaabtii aan shaqada iyo Shaashadaha isku baranay.

Dalku waa Federaal, taladu waa wadaag, Dantuna waa isku tolan, xataa haddii fekerka lagu kala duwan yahay. Raali gelin iyo Cafis dhammaan intii aan qoobka isaga istaagnay intaan xilka hayay feker ahaan iyo shaqo ahaanba. Guul iyo Gobanimo dhammaan”.