Home » Ciyaaraha » Philippe Coutinho & Mohamed Salah Oo Maqnaan Doonaan Kulanka Everton Date :January 4, 2018 Author :Hafsa Haji 6 views

Philippe Coutinho & Mohamed Salah Oo Maqnaan Doonaan Kulanka Everton

Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday in labada ciyaaryahan ee  Philippe Coutinho iyo Mohamed Salah ay dhaawacan ku seegi doonaan kulanka Liverpool ay la ciyaarayaan Everton wareega 3aad ee koobka FA Cup.

Labada ciyaaryahan ayaa ka maqnaa kulankii  Burnley, waxaana ay sidoo kale ay maqnaan doonaan ciyaarta jimcaha ee  Merseyside derby oo ka dhacayso Anfield.

Tababaraha Reds Klopp ayaa laga sheegay in laba ciyaaryahan ay line-upkiisa ka maqnaan doonaan, laakiin daafaca cusub ee 75 milyan ginni Virgil van Dijk ayaa la rajeynayaa inuu kulankiisii ugu horeysay u safto.

Klopp ayaa yiri: “Mo iyo Phil lama helin, Virgil si cad ayuu u caafimaad qabaa, waan arki doonaa waxa aan isaga la sameynayo.”

Klopp ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Loris Karius uu heli doono goolka koowaad, weeraryahan Dominic Solanke ayay u badan tahay inuu ku soo bilowdo .

Aragtidaada ka dhiibo