Ciidamada Itoobiya oo si rasmi ah uga guuray Dhuusamareeb

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Ciidamada itoobiya muddo ku dhow 10 sano ku sugnaa gobolka Galgaduud, gaar ahaan Magaalada Dhuusamareeb ayaa si rasmi ah maanta u baneeyey saldhigii ugu dambeeyey ay ku lahaayeen halkaasi. Ciidamadan oo xooggoodu dhawaan ka guuray, ayaa intii ugu dambeysay maanta ka guureen Magaalada Dhuusamareeb

Goobjoogayaal ku sugan Guriceel iyo Dhuusamareeb ayaa ceelhuur.com u xaqiijiyey in ciidamadaasi saaka ka guureen dhuusamareeb, iyagoo sii maray magaalada Guriceel, waxayna u gudbeen dhanka gobolka Hiiraan.

Saldhigii ay baneeyeen ayaa maanta la geeyey ciidamada Ahlu sunna ee dhawaan lagu wareejiyey Madaxweyne Farmaajo, waxaana ilo xogogaal ah inoo sheegeen inuu dhawaanahaan jiray khilaaf soo kala dhex galay Ahlu sunna iyo Itoobiya kadib markii ay Ahlu sunna si rasmi ah ugu biirtay Maamulka Galmudug, qorshahaas oo ka careysiiyey Ciidamada itoobiya.

Horey ayey ciidamada itoobiya uga soo baxeen magaalada Ceelbuur oo ay muddo 5 sano ah ku sugnaayeen, Waxaana itoobiyo la sheegaa in aad uga soo horjeedo midowga Galmudug iyo Ahlu sunna, iyadoo u aragta in maamulkii Ahlu sunna gacanteeda ka baxay.

Wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com