Boosaaso:Al-Shabaab oo Xalay Weerararay Control Ciidan

Wararka Maanta

Sida ay Xaqiijiyeeen Dad goobjoogayaal ah  Weerar Xoogleh ayaa Lagu soo qaaday Xalay Saqdii dhexe Control-ka afaafka Hore ee Laga soo Galo Magaalada Boosaso, Waxaana Halkaasi ka dhacay Dagaal u dhaxeeya Kooxdii Weerarka soo qaaday iyo Ciidanma Puntland ayadoo la isku Adeegsaday Hub Cul Culus.

Dagaalyahano La runeysanyahay Iney ka Tirsanyihiin Al-Shabaab ayaana La sheegay iney Waqti Kooban la wareegeen Ganacan ku heynta Qeybo kamid ah Kontoroolka, Sida La Xaqiijiyay.

Inkastoo an  lahayn Qasaaraha Rasmiga ee Weerarka  hadana Saraakiisha Puntland Waxey Sheegeen In Halkaasi uu ka dhashay Qasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac.Ciidanma Puntlad ayaa si buuxda gacanta ugu Control-ka Waxaana saaka Xaaladu tahay Mid Dagan.

Al-Shabaab iyo Daacish ayaa weeraro. Qaraxyo. Iyo Dilal Qorshaysan had iyo jeer ka gaysta deegaanada Maamulka puntland Gobolka Bari ayaana ah meesha kugu badan oo Falalkaasi ka dhacaan sanadihii u danbeeyay.

Ceelhuuronline