Xafiiska Siyaasadda Ururka AlShabaabul ayaa gudoomiye cusub u magacaabay gobolka Galguduud ee dhacda bartamaha dalka Soomaaliya. Isbedelka dhanka maamulka ah ayaa ka dhacay Galgaduud, waxaana Gudoomiyaha cusub ee Gobolka loo magacaabay Sheekh Cabdullaahi Abuu Khaalid oo bedelay Sheekh Xasan Yacquub Cali gudoomiyihii hore ee Galguduud.
Munaasabad ka dhacday magaalada Ceelbuur oo ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo mas’uuliyiin katirsan Al Shabaab ayaa isbedelka cusub ee dhanka maamulka ah looga dhawaaqay.
Sheekh Xasan Cali Yacquub Cali ayaa muddo shan sanadood ka badan ahaa gudoomiyah Galguduud. Gudoomiyaha Cusub ayaa hadal ka jeediyay munaasabaddii uu xilka kula wareegay wuxuu u mahad celiyay qabaa’illada ku dhaqan gobolka Galguduud oo kaalin weyn ku lahaa dagaalkii ciidamada Itoobiya laga xureeyay degmooyin iyo deegaanno dhaca Bariga gobolka, waa siduu hadlka u dhigaye.
Lama oga sababta keentay isbadalka ku yimid maamulka Alshabaab ee gobolka Galgaduud. Waxaana xusid mudan in Sheekh Xasan Yacquub ee horey gudoomiye uga soo noqday gobolada jubooyinka.