C/kariin Guuleed oo ka hadlay Xilka qaadistii lagu Sameeyey

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxwaynaha dowlad goboleedka Galmudug, Cabdi kariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in shirkii xubnaha Baarlamaanka  G/Mudug ay Cadaado ku yeesheen uu yahay sharci darro,islamarkaana aysan wax ka soo qaad lahayn wixii ka soo baxay.

fb_img_1478529305365

Madaxwayne Guuleed ayaa  Xusay in Baarlamaanka G/Mudug uu xiliggaan fasax 45 maalmoodah ku jiro, iyadoo la eegayo xaaladda abaareed ee dalka ka jirta iyo doorashooyinka heer Qaran ee socada.

Gudoomiyha Baarlamaanka G/Mudug Cali Casir ayaa 5tii Bishaan soo saaray Qoraal uu ku xusay in Muddo 45 maalmood ah dib loo dhigay kalfadhigii  Baarlamaanka, isagoo cuskanaya duruufo ka jira dalka.

Hadalka Madaxwaynaha G/Mudug ayaa yimid kadib Markii Kulan maanta magaalada Cadaado ay ku yeesheen Xildhibaanno ka tirsan Galmudug ku sheegeen in ay kalsoonidii kala laabteen Madaxwayne C/kariim Xuseen Guuleed.