Senator Abshir Bukhaari oo xafiis uu Bulshada ugu adeegayo ka furay Cadaado (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Senatarkii ugu horeeyay oo Soomaali ah Abshir Axmed ayaa xafiis uu ugu adeegayo bulshadiisa ka furtay magaalada Cadaado ee xarunta ku meelgaarka ah ee Maamulka Galmudug.

Abshir Axmed oo ah nin dhalinyaro ah ayaa ka mid ah senatarada sugaya in si rasmi ah loo dhaariyo kuwaasoo gaaraya 54 xubnood. Furista xafiiskan ayaa imanaya xilli siyaasiyiinta Soomaaliyeed lagu eedeeyo inaysan wax xiriir ah la lahayn deegaanada ay wakiilada ka yihiin, iyagoo inta badan jooga caasimada dalka ee Muqdisho.

Senator Axmed  ayaa ogaaday in furista xafiiskan adeegga bulshada  uu bilow muhiim ah u yahay dowlad wanaaga taasoo ujeedada ka dambaysa ay tahay sidii loo abuuri lahaa hoggaan ku salaysan ficil.

“Waxaan hormuud u noqonayaa bilow cusub oo ah mas’uuliyad ay ku dheehan tahay isla xisaabtan, maadaama waqti dheer arrimaha siyaasada ay ahayd kuwo aan lahayn isla xisaabtan  iyo in bulshada wax loo qabto,”ayuu yiri Senatar Abshir.

Senatarka ayaa intaas sii raaciyay; “Laakiin maanta maadaama aan ahay Senatar waxaa diyaar u ahay in ay ila xisaabtamaan guud ahaan  Soomaalida oo idil gaar ahaan deegaan doorashadeyda dhinacyada mas’uuliyada iga saaran qaranka iyo dhinacyada u adeegida bulshada.”

Iyadoo la ogyahay in siyaasada Soomaaliya ay ku salaysan tahay habka 4.5 oo ah hab beeleed muwaadiniin badan iyo dhalinyarada ay ku waayeen fursad ay ugaga qeybgalaan maamulka siyaasada, ayuu hase yeeshee Senatar Axmed sheegay in uu diyaar u yahay in uu adeego xafiiskiisa dhamaan  shacabka oo dhan iyadoo aan loo eegeyn halka uu ka soo jeedo.

Senatar Axmed oo sii hadlay ayaa sheegay in xafiiska uu ugu adeegayo bulshada uu u furan yahay qof walba gaar ahaan dhalinyarada iyo weliba dadka Soomaaliyeed ee codkooda ka waayay inay soo doortaan hogaamiyaashooda sababo la xiriira cadaalad darro ka dhalatay habka qabiilka ku salaysan ee 4.5.

Sidoo kale xafiiska ayaa waxa uu u fududeyn doonaa dhammaan arrimaha ka soo baxaya deegaanka laga furay iyadoo weliba laga heli karo fursad ay dhalinyarada ay isku weydaarsan karaan fikradahooda ayna ku horumarin karaan noloshooda.

abshir-bukh abshir-bukh1 office-board

Xigasho: Jowhar.com