Al-Shabaab oo bilaabay Howlgalinta Dumarka Qurxuun!

Wararka Maanta

Sirdoonka dalka Kenya, ayaa sheegaya in Shabaab ay bilaabeen qorshe halis ku ah ammaanka dalka Kenya, iyaga oo adeegsanaya haween kala duwan.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Kenya ayaa sheegay inay bilaabeen Shabaab hawlgelinta dumarka qurxoon, si ay ula saaxiibaan ciidamada Kenya, kadibna ay uga helaan xog ku saabsan ciidanka.

“Haweenka waxa ay doonayaan inay xiriir la sameeyaan ciidamada, si ay u helaan xoggaha gaarka ah ee ciidanka.” Ayuu yiri Sarkaal ka tirsan ciidamada dalka Kenya oo la hadlay Wargeyska The Star.

Joseph Kanyiri, oo ah Sarkaal ka tirsan ciidamada Kenya ayaa sheegay qorshahan cusub ee Shabaab ay bilaabeen inuu yahay mid halis ah, marka loo eego shaqaaleysiinta haweenka ee dhanka muqaabaraadka.

“Sanadkii la soo dhaafay waxaan xirnay laba dumar ah, deegaanka Kiunga, kuwaasi oo jaajuusiin u ahaa kooxaha argagixisada.” Ayuu yiri Kanyiri.

Al Shabaab ayaa isku daya fulinta ficilo kasta oo suuragal ka dhigi kara inay helaan xog ku saabsan dalka Kenya