C/kariin Guuleed iyo Faarax C/qaadir oo doonaya in ay boobaan kursiga Beesha Sheekhaal (Daawo Cabashada Beesha)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Salaadiinta iyo Waxgaradka Beesha Shiikhaal oo ka mid ah beelaha dega deegaanada Galmudug oo maanta saxaafadda kula hadlay Magaalada Cadaado ayaa sheegay in Madaxweynaha Galmudug C/kariim Guuleed uu boob ku hayo kursigii beeshaas Aqalka Hoose.

Beesha Sheekhaal oo Galmudug ku leh laba kursi ayaa horey Madaxweyne Guuleed ugu qasbay in mid ka mid ah gabdho kaliya ku tartamaan, halka midkii soo haragay uu doonayo in si qasab ah loogu doorto Musharax lagu magaacabo Cali yare oo ah gacan yaraha Faarax Sheekh C/qaadir, kaas oo ay kasoo horjeedaan beesha Sheekhaal.

Beesha ayaa sheegtay in Madaxweynaha Galmudug uu joojiyey doorashada kurisigaas markii kaararkii ergada loo qeybiyey, wax ayna sheegeen in aysan qaadaneyn in Madaxdii loo dacwoon lahaa sidaan ula dhaqanto bulshadii ay maamulaysay, iyagoo ka codsaday in Bulshada Galmudug ka hor yimaadaan boobka C/kariin Xuseen Guleed.

Halkaan ka daawo khudoobiyinkii ay jeediyeen Suldaan Maxamed Suldaan Muuse Suldaanka Guud ee Beesha Sheekhaal, iyo Suldaan Cabdi Madoobe Cilmi Gureey Suldaanka Beesha Sheekhaal Galmudug.