Dowladda Soomaaliya oo u yeertay Safiirkii u Joogay Geneva.

Wararka Maanta

War Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa waxaa loogu yeeray Faaduma Cabdullaahi Maxamuud oo ah Safiirka Soomaaliye ee Magaalada Geneva. safiiradda ayaa lagu amray in ay muddo aan ka badneyn hal isbuuc kusoo gaarto Xarunta Wasaaradda Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Faadumo C/llaahi Maxamuud (insaaniya) ayaa aha wakiil Soomaaliya ee Xarunta Qaramada Midoobey Ee xuquuqul Insaanka ee magaalada Geneva.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay, kaddib markii Safiiradda ay ka aamustay go’aankii Trump looga soo horjeeday ee ahaa inay Israa’iil leedahay Buuraha Golan Heights.

Buuraha  Golan Heights ayaa Israil ay ka qabsatay Suuriya intii uu socday dagaalkiii lixda maalin qaatay ee dhacay sanadkii 1967.

Dalalka u codeeyay in Israil ay xoog ku heysato buuraha Golan ayaa waxaa ka mid ah: Australia, Austria, Brazil, Bulgaria, Croatia, the Czech Republic, Denmark, Hungary, Iceland, Italy, Japan, Slovakia, Spain, Togo, Ukraine iyo UK.

Shan dal oo kale ayaa ka aamusay kuwaasi oo kala ah : Cameroon, Jamhuuriyada Dimoqaraadiga ee Congo, Fiji, Rwanda iyo Somalia.

Waa Markii ugu horeysay Soomaaliya ka aamusto codeyn loo qaadayo dhibaatada dowladda yuhuudda ay ka waddo dhulal ay xoogga ku haysato.