Wafdi xildhibaano ah uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Cadaado .
Wafdigaan ayaa waxa ay ka soo kicitimeen magalada muqdisho
Gudoomiyaha iyo madaxweyne kuxigeenka ayaa si wadajir ah u qabtay shir jaraa id waxaana ugu horeyn shirka kahadlay gudoomiyaha waxa uuna sheegay in ay ka soolabteen fasaxoodii caadiga ahaa uuna furmayo kalfadhiyadii baarlamaanka , waxaana uu faray xubnaha baarlamaanka maqan in ay deg deg ku soo xaroodaan .
Madaxweyne kuxigeenka ayaa dhankiisa ka hadlay arimaha dorashooyinka iyo sida hufan oo ay usocdaan.
Dhanka kale madaxweyne kuxigeenka ayaa si adag u cambaareeyay falkii argagixisanimo oo shalay kadhacay Waqooyi Galkacyo taas oo dadbadan ku hoobteen oo aan waxba galabsan galmudug weyka kaxanuunsaneysaa dhacdadaas waxaana diyaar unahay in aan suulino dhibaatoyinka Alshabaab ay ku hayaan shacabka somaliyeed Galmudug waxa ay diyaar utahay in aan putland iska kashadaan soo afjarida argagixisada .
Shacabka galmudug waa in ay xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan nabad diidka oo aad ogtihiin dhibatada ay ku hayaan shacabka somaliyeed.
25 bishan ayaa la filayaa in uu furmo kalfadhiga Baarlamaanka Galmudug, waxaana gaabis ku socda shaqada baarlamaanka, iyagoo inta lagu eedeeyo in ay ku mashquulsan yihiin mooshino iska soo horjeeda, waxaana mudadii ay jireen waqti badan kaga lumay fasaxyo.
Comments are closed.