Hailemariam”Dowladda Soomaaliya waan ku garab siinaynaa Dagaalka ay iclaamisay

Wararka Maanta

Ra’isul wasaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa ka hadlay dadaalada ay dowlada Somalia ugu jirto la dagaalanka waxa uu ugu yeeray argagixisada Somalia ee Alshabaab.

Hailemariam Desalegn, ayaa sheegay in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay garab kusiinayaan dagaalka lala galaayo Alshabaab, waxa uuna cadeeyay in Shabaab ay yihiin kuwa aan laheyn dareen dadnimo.

Hailemariam Desalegn, ayaa tilmaamay in awooda Alshabaab ay tahay keliya mid ku eg xasuuqa dadka rayidka ah, maadaama aysan sitoosa isaga celinkarin dowlada.

“Garab ayaan ka geysaneynaa dagaalka lagula jiro Alshabaab waayo waxa ay dhibaato ku hayaan Gobolka oo dhan”

Ra’isul wasaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, waxa uu sheegay in dagaalka lala galaayo Alshabaab uu yahay mid u baahan midoobid si buu yiri looga sifeeyo dhammaan Somalia oo u ah Saldhiga ugu weyn.

Sidoo kale, Ra’isul wasaraha ayaa ballanqaaday in dowladiisu ay isha ku heyn doonto dhaawacyada ku waxyeeloobay Qaraxii ka dhacay Zoobe, si ay garab loogu siiyo dowlada Somalia, ayuu yiri.

dowlada Ethiopia ayaa kamid ah dowladaha ay ciidamada ka joogan Somalia, waxaana lagu wadaa inay ka qeybqaatan dagaalka ay dowlada Somalia iclaamisay in lala galaayo Shabaabka