Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea John Obi Mikel ayaa sheegay inuu ku rajo weyn ka qabo in uu wacdarro ka dhigo kooxda macalin Antonio Conte ka dib markii uu ka caawiyay xulkiisa Nigeria bilada maarta ciyaarahii olombikada ee soo dhamaaday.
Mikel ayaa todobaadyadii la soo dhaafay xulkiisa qaranka la joogay Brazil laakiin ku soo laabanaya Stamford Bridge, ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa qirtay inay ka go’an tahay in uu ka mid noqdo booska jootada ah ee Tababaraha cusub.
Obi ayaa 33 kulan u saftay Chelsea tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore.
Comments are closed.