Ururka Al-Shabaab ayaa ku kordhiyay muddo toban maalmood ah xilligii ay isku soo diiwaan gelinayaan oday dhaqameedyada iyo ergooyinka soo doortay xildhibaanada federalka.
Sida ay daabaceen warbaahinta taageerta Al-shabaab mudadii loo qabtay ergooyinka oo ahayd 45 cisho ayaa ku ekeyd shalay oo Axad aheyd , taariikhduna ku beegneed 01/1/1441 balse Xarakada Al-Shabaab ayaa go’aamisay in muddo 10 cisho oo dheeraad ah loogu daro ergooyinka doonaysa in ay is diiwaangeliyaan.
Al-Shabaab ayaa ku macneeyay sababaha muddo kordhinta inay tahay codsi ka yimid qaar ka mid ah bulshada sida waxgaradka iyo hogaamiyeyaasha qabaa’ilka.
Mudadii 45ka cisho ahayd oo loo qabtay ergooyinka ayaa Al-Shabaab sheegay inay ka faa’ideysteen 635 xubnood kuwaasoo isugu jira qaar weli ku sugan deegaanada ay maamulaan Alshabaab iyo kuwo hore u gaaray deegaanadaas