Gogol dhig kooban “Maqaalkii Kabtan jilacsan kooxdiisu guul ma gaarto asaguna kaalin ma hantiyo”.

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Gogol dhig kooban “Maqaalkii Kabtan jilacsan kooxdiisu guul ma gaarto asaguna kaalin ma hantiyo”

Sidii aan qormadeydii hore ku ballan qaaday waxaan si taxane ah u lafa guri doonaa dulucda sheekada ciwaankeedu yahay “Kabtan Jilacsan kooxdiisu guul ma gaarto asaguna kaalin ma hantiyo” laakiin inta aanan bilaabin qeybta koowaad ee taxanaha sheekada waxaan idiin soo gudbinayaa gogol dhig ama horu dhac kooban oo sawir guud ka bixinaysa xayn daabka sheekada si ay u fududaato inaan si sahlan u wada fahamno miisaanka qodobbada aan dul istaagi doono, macnaha iyo tilmaamaha guud iyo kuwa gaarka ah ee aan isla jeexjeexi doonno inta taxanuhu inoo socdo.

Inta aan ku guda jirno taxanaha qormadaan Kabtan jilacsan Ayaan soo bandhigi doonaa;

  1. Waxaan soo bandhigi doonaa xogo badan, inkastoo qaar badani ay xasaasi yihiin oo ay dhici karto in dad hadda wada socda oo xabiib isu haystaahi ay warmaha isula bixi karaan haddana waxaan ku dadaali doonaa in aan u sawiro si cilmiyeysan oo aan ku ilaalinayo in sheekadu aysan saameyn ku yeelan dad ka baxsan kooxda si aysan u noqon qeyb sedexaad oo si taban (negative ah) ugu soo biirta sheekada maadaama ay jiri karto siro iyo arrimo maldahan oo ka qarsoon dad kuraasta tareenka horay ka saaran una haysta inay hiigsiga iyo natiijada soo bixi doonta ay sidaas oo kale horey uga fuuli doonaan laakiin aysan sidaas ahayn.

  2. Waxaan si gaar ah u sawiri doonaa faahfaahin kooban oo fillanna ka bixin doonaa Kabtanka kooxda anigoo qodob qodob u dhig dhigi doona inta ay la egtahay miisaanka iyo hab dhaqanka hoggaamineed ee Kabtanka kooxda sida Xirfadaha, qibradda, fogaan arragga, higsiga iyo haddii ay jirto qorshayaal kala sarreeya oo sal u ah waxa la hiigsanayo anigoo ku salaynaya wixii aan ka bartay intii aan halganka ku wada jirnay.

  3. Waxaan dul istaagi doonaa hal beegga caadiyan uu leeyahay ama laga rabo Kabtan iyo midda aan ku arkay Kabtanka kooxdeyda.

  4. Waxaan sidoo kale gaar u geli doonaa arrimaha kooxda anigoo ka warrami doona hab dhaqankooda siyaasiga ah, qibradohooda iyo xirfadaha ay qaarkood u leeyihiin waxa arrimaha muhiimka ee loo xilsaaran yahay iyo saameynta dadban ee ay nagu yeelatay arrimo aan tilmaami doono.

  5. Waxaan tixraacyo cad cad u soo qaadan doonaa safarro aan wada galnay, shirar heerar kala duwan leh, abaabullo muhiim ahaa, ololoyaal, arrimo farsamo iyo qodobbo kale oo muhiim ah anigoo ku dhisaya dhammaantood miisaanka hoggaamineed ee Macallinka kooxda si aan u odorosno in sidaas ku gaari karno Gool aysan gaaristiisu ahayn dhaxal xisaabtiisa la yaqaan.

  6. Waxaan ugu dambeyn si faahfaahsan u soo bandhigi doonaa kala duwanaanshaha u dhexeeya hiigsiga madax ka tirsan kooxda oo u haysta inay ayaaha dambbe ee la gaari doono door shariif ah ku lahaan doonaan iyo Kabtanka oo ay u qorsheysan tahay arrin xiisa badan oo taas ka duwan oo aan u maleynayo inay bog cusub u furi doonto saaxiibbo wada saaran tareen meel fog ka soo shiraacday.

Dhawaan iga fisha qeybtii 1-aad tixanaha qormada oo xiiso gaar ah xambaarsan.

Mohamed Ahmed Hosh
Senior Political Figure and MP Candidate 2020/2021

Aragtidaada ka dhiibo