Sawirro: Dhismaha Jaamacadda Galgaduud oo xarigga laga jaray

Wararka Galmudug Wararka Maanta WAXBARASHADA

Munaasabadan Furo Wareejina Dhismaha Jaamacada Galgaduud oo qayb ka ahaa Mashruca Tabar wadaag oo uu NGO Hopel ka hirgaliyay Magaalada Caabudwaaq ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin kasocotay Maamulka Demada Caabudwaaq ,Wasiir kuxigeenka waxbarashada Dowlad Goboleedka Galmudug  Abshir Cabdi Shiiqow,Gudoomiyaha Waxbarashada Gobalka Galgaduud Cabdulaahi Colaad ,Madaxa Waxbarashada Degamda Xasan Axmed Diiriye agaasimayaal iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada .

Wasiir kuxigeenka ayaa soo kormeeray Dhimaha Jaamacada isagoona Fasalada iyo Xafiisyada Jaamacada mid mid ugalay, Gudoomiyaha Demada Caabudwaaq Mahada Cumar Cilmi ayaa u Mahad celiyey intii ka qeyb qaadatay dhismaha Jaamacadda.

Dhanka kale Madaxa NGOga Hopel Maxamuud Maxamed istuutaaye ayaa kasheekeeyay mashruuca tabar wadaag baahiyo uu deegaanka ka qabtay.  Tabarwadaag ayaa waxaa iska kaashaday Sanduuqa Xasilinta Soomaaliya (Somali Stability Fund SSF) iyo Bulshada degmada Cabudwaaq, waxaana mashruuca laga fuliyey 4 degmado oo ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug, degmooyinkaas oo kala ah Cadaado, Cabudwaaq, Hobyo iyo Balanbale.

Gudoomiyaha jaamacdaa Galgaduud Maxamuud Dirir ,Gudoomiyaha ururka haweenka degmada ,deeqo cabdi cilmi iyo gudoomiye kuxigeenka ururka haweenka ee galmudug nuuro xasan cowl ayaa Hay’ada hopel ku amaanay hormarka muuqda ee ay ku fulisay deegaanka.

Ugu danbayntii ayaa waxaa goobta kahadlay Wasiir kuxigeenka waxbarashada Dowlad Goboleedka Galmudug  Abshir Cabdi Shiiqow, isagoo sheegay in dhismaha jaamacaddan ay sara u qaadeyso waxbarashada Galmudug.

DSC00859 DSC00861 DSC00864 DSC00873 DSC00881 DSC00882 DSC00884 DSC00885 DSC00889 DSC00890 DSC00891 DSC00892 DSC00896 DSC00915 DSC00916 DSC00919 DSC00921 DSC00927 DSC00935 DSC00939 DSC00948 DSC00955 DSC00960 DSC00965 DSC00969 DSC00980 DSC00996 DSC00997 DSC01002

Tagged