Sawirro: Arday ku Dhimatay Hoobiye ku dhacay iskool ku yaal Muqdisho

Wararka Maanta

Maanta waxaa dhowr hoobiye ku dhaceen xaafado ka mid ah degmada Hawlwadaag , waxaana ku geeriyooday dad lagu qiyaasay ilaa 5 qof oo caruur iyo ardey ku jiraan .

Wariye ka tirsan wakaalada wararka ee Reuters oo lagu magacaabo Ismaacil Taxta oo gaaray iskoolka uu hoobiyuhu u dhacay ayaa sheegay  halkaasi ay ku dhimatay gabar yar  oo ku jirtay xiisada fasalka sadaxaad dugsiga hoose ee Usama Bin Zayd wax yar ka dib markii uu hoobiye ku dhacay xaruntooda waxbarasho oo ku taal degmada Howlwadaag Mogadishu.

Sidoo kale goobta waxaa ku dhaawacmay gabadho kale oo ay saaxibo ahaayeen oo class-ka la dhiganayey. Hoobiyayaasha ayaa badanaba waxaa ay dilaan dad rayid ah iyadoo Shabaabka ay la beegsadaan xarumaha dawladda.

image1-12518010411_1938056369760472_5612965614829255124_n