Sawirro: Deeq Daawo ah oo la soo gaarsiiyey Isbitaalka Cadaado

Caafimaadka Wararka Galmudug Wararka Maanta

Maamulka isbitaalka magaalada Cadaado ayaa la wareegay 60 kartoon oo daawooyin ah  una badan faleebooyinka lagula tacaalo dadka qaba shuban biyoodka iyo qalajiyaal.

Deeqad daawada ah oo ka timid howlwadeenada shirka  favori ee mamusha garoonka diyaarada Muqdisho ayaa loogu talay galay in lagu dabiibo dadka qaba xanuunada ka dhasha abaarta sida shuban biyoodka oo kale.

Cismaan Macalin Xasan Geelle oo agaasimaha isbitalka  ku wareejiyay daawada ayaa sheegay inay xili muhiima kusoo aday isagoo u mahad celiyay cidkasta oo gacan ka heystay sidii Cadaado losoo gaarsii lahaa.
Waxaa uu sheegay Cismaan Geele in Keenida daawada iyo isku xirka howlwadeenada shirka iyo isbitalka uu ka shaqeeyay Sanatar Abshir Bukhaari oo ka mida Mudanayaasha laga doortay Cadaado.

Agaasimaha guud isbitaalka Magaalada Cadaado Dr Madaxmed Cumar Fuusuf waxaa uu sheegay in ay xiligaan helitaanka deeqdaan dawada ah baahi badan u qabeen isbitalkana ay jiifaan dad qaba cudurka shuban biyoodka isla markaan ay kula tacaali doonaan.

Daawada lagu wareejiyay isbitalka Cadaado waxaa ay qeyb ka qaadaneysaan dadaalada lagula tacalayo dadka uu soo ritay cudurka shuban biyoodka ee hada qaarkood jiifa jiifa isbitaalka.

IMG_2346 IMG_2327 IMG_2318 IMG_2302 IMG_2297-1 IMG_2299