Horudhac
Dastuurka cusub ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa 5 May 2018 waxaa ansixiyey Barlamaanka isku dhafka fadhi ay ku yeesheen magaalada Dusmareeb caasimadda Galmudug, Dastuurkan ayaa Waxa uu ka kooban yahay 6 Cutub oo si guud u qeybsan laba qeybood oo kala ah:
Dastuurka Guud: Waana mid inta ka badan ka hadlaya 4 sano kadib sida ay u ekaanayso dowlad Goboleedka Galmudug. waxa uuna ka kooban yahay 5 cutub.
Cutubka 6-aad Lifaaq Qeexaya sida loo fulinayo heshiiskii Galmudug iyo Ahlu sunna, waxaana lagu cadeeyey Qodobo ay ka mid yihiin :
- in tirada xildhibaanda xilliga kala guurka ay yihiin 201 xildhibaan.
- in xilligaan kala guurku yahay 4 sano oo ka bilaabanaysa 26/3/2018 oo ah maalintii la isku daray labada Barlamaan.
- In Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka, Guddoonka Barlamaanka ay sidooda u sii jirayaan.
- in Xilka Madaxa Xukumuudda ay leeyihiin culimada Ahlu sunna Waljamaaca.
Cutubka kowaad
Mabaadii’da Guud
Qodobka 1-aad
Mabaadii’da Guud ee Aasaasiga ah
- Dowlad goboleedka Galmudug [DGGM] waa Dowlad goboleed ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
- Bulshada Galmudug waa Muslim Sunni ah, kuna dhaqanta mad-habka Shaaficiyada, Lagumana faafin karo Mad-hab kale iyo Caqiido aan aheyn caqiidada Ashcariya.
- Dastuurka Dowlad goboleedka Galmudug waxaa Saldhig u ah Shareecadda Islaamka iyo Dastuurka JFS, Wixii ka hor imaanaya waa waxba kama jiraan.
- Dowlad goboleedka Galmudug waxa ay ku dhisan tahay rabitaanka shacabka Galmudug.
- Awoodda maamulka DGGM waxaa leh dadweynaha Galmudug, waxa ayna u wakiilanayaan xubno ay ku soo doorteen hannaanka dimuqraadiga xisbiyada badan si waafaqsan Dastuurka iyo Xeerka doorashooyinka DGGM.
- Ma jiri karo qof, koox ama qayb ka mid ah bulshada oo awoodda dowladnimo u adeegsan kara si gaar ah.
Qodobka 2-aad
Dowladda iyo Diinta
- Islaamku Waa Diinta DGGM.
- Diin aan aheyn tan islaamka, Mad-habka Shaaficiyada [Ashcariya] laguma faafin karo DGGM.
- Lama soo saari karo xeer aan waafaqsaneyn Madbaadi’da Guud ee Shareecada Islaamka iyo Maqaasideeda.
Qodobka 3-aad
Dhulka Dowlad goboleedka Galmudug
- Gayiga DGGM Waxa uu ka koobmaa berriga, badaha, jasiiradaha iyo uurkooda hoose, Hawadooda sare, iyo geyi-qaaradeedka Dowlad goboleedka Galmudug.
- DGGM waxa ay dib-u-eegis iyo qiimeyn ku sameynaysaa deegaanada Galmudug si waafaqsan Dastuurka JFS, Waxaana la sameynayaa nidaam xeer oo lagu dhisayo Gobollo, degmooyin iyo xuduudahooda.
- Dhismaha Gobolada iyo Degmooyinka cusub waxaa soo jeedinaya Xukuumadda DGGM, Waxaana ansixinaya Golaha Xeer-dejinta DGGM.
- Soohdimaha dhulka ee DGGM waa : Waqooyi waxaa ka xiga Dowlad goboleedka Puntland, Bari waxaa ka xiga Badweynta Hindiya, Galbeed waxaa ka xiga dalka Itoobiya, Koofur Waxaa ka xiga Dowlad goboleedka Hirshabeelle.
- Xuduudaha Gobolada Waxaa si kumeelgaar ah loogu dhaqmayaa xuduudihii Gobolada dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya, sida ku cad soohdimaha xuduudihii jiray Dowladii Dhexe ee Soomaaliya ka hore 1991 ay ku kala calaamadeysay Gobolada Jamhuuriyadda Soomaaliya sida ku qeexan Qodobka 49aad farqada 5aad DJFS.
- Khilaafaadka Xuduudaha, waxa lagu xalinayaa talo-soo-jeedinta Gudiga Madaxabanaan ee Xuduudaha iyo Federaalka JFS sida ku cad Dastuurka JFS Qodobkiisa 111aad faqradiisa 5aad.
- DGGM waxa ay soo dhaweynaysaa Gobol kasta ama deegaan ay dagan yihiin Bulsho cayiman aqlabiyadda shacabkeeduna ay doonayaan in ay la midoobaan DGGM si ku dhisan is afgarad iyo heshiis aan wax loogu dhimeynin dowlad goboleed kale islamarkaana aan ka hor imaanaynin Dastuurka JFS Qodobkiisa 49aad Faqradiisa 6aad.
La soco Qeybta 2-aad
Waxaa Diyaariyey : Maxamed Dhagacade
Tifaftiraha Guud Ceelhuur.com