Sawirro: Askar ka tirsan Ciidamada Badda Galmudug oo tababar loo soo xiray

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Askar ka tirsan ciidamada badda dowlad goboleedka Galmudug ayaa tababar loogu soo xiray Magaalada Boosaaso gobolka Bari, ciidamadan ayaa gaaraya ilaa 15 Askari, waxa ayna dhameysteen casharo iyo tababaro ku saabsan ka hortagga dambiyada ka dhaca xeebaha. Tababarkan ayaa waxaa bixinaysay UNODC.

Sidoo kale 54 Askari oo kale ayaa iyana tababar ku qaadanaya dalka Jabuuti, waxaana la filayaa in la gaarsiiyo ciidamadan ilaa 160 Askari oo ay u dhameystiran yihiin Qalab iyo xarumo ay ku shaqeeyaan. waxayna saldhigan doonaan Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Ciidanka ayaa lagu magacaabaa Cutubka Booliska ilaalinta Badda ( Maritime Police Unit). waxa ayna yeelan doonaan gaadiid iyo xarumo u gaar ah. Xeebaha Galmudug ayaa inta badan waxaa dhibaato badan ku haya doomaha ajnabiga ah ee sida sharci daradda ah uga kaluumeysta.

Sawir Qaade : Wariye Xasan Yare