Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa shalay u safray dalka Jabuuti, Madaxweynaha oo doraad ka ambabaxay Caasimadda Dhuusamareeb ayaa Muqdisho ku sugnaa hal maalin.
Ujeedada Safarka Madaxweynaha ayaa lagu sheegay arimo la xariira Dekadda Hobyo iyo kaluumeysiga Xeebaha Galmudug. Madaxweyne Xaaf ayaa xiriir fiican la leh dowladda Jabuuti, isagoo halkaas heshiisyo kula gali doona shirkado ka socda dalalka Jabuuti iyo Shiinaha. Sidoo Jabuuti ayaa xarun u ah Xafiiska Dib u heeshiisiinta Urur Goboleedka IGAD oo hogaaminaya howsha Mideynta Galmudug iyo Ahlu sunna.
Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu halkaas kala soo laabto dhaqaale uu ku furdaamiyo howlaha socda, iyadoo mudooyinkan laga dareemayay gaabis ku yimid howlaha Maamulka Galmudug kadib dhaqaale yari soo wajahday. Mr. Xaaf ayaa wajahaya mucaarado kaga imaanaysa inta badan beelaha dhistay Galmudug.