Ciidamada Huwanta oo Caawa ku hoyanaya duleedka Hobyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

FB_IMG_1487174966018

Wararka caawa naga soo gaaraya magaala xeebeedka Hobyo ayaa sheegay in halkaasi galabta gaareen ciidamada xulufada duulaanka ku ah degmada Xarardheere.

Ciidamadan oo wata in ka badan 30 gaari dagaaal ayaa fariisin ka sameystay duleedka magaalada Hobyo, waxaana la filayaa in ay halkaas ku hoydaan caawa, ciidamadan ayaa saaka kasoo kicitimay magaalada Bacaadweyne.

Dhanka kale ciidamada Alshabaab ayaa badalay qorshohooda dagaal, iyagoo Furay wadada xiriirisa Ceelhuur iyo Camaara, waxayna Shabaabku fariisimo ka sameysteen deegaanka Saddex geed Xarar ee duleedka dekeda Faax, iyagoo laga cabsi qabo in saacadaha soo socda jaraan wadada xeebta ee isku xirta Ceelhuur iyo Xarardheere.

Dadka shacabka ah ee ku nool magaalo xeebeedka Ceelhuur ayaa cabsi badan soo foodsaartay, iyagoo ka cabsi qaba in dushooda, ama goobo u dhow labada col isku farasaaraan.

Sidoo kale Alshabaab ayaa xalay magaalada Caad ku aasay askartii dagaalka uga dhintay, iyagoo dhaawaca geeyey xarardheere.

Wixii kusoo kordha kala soco halkaan ceelhuur.com