Warbixin:Qaribka iyo Qanaacada Qurbajoogta dalka kusoo laabatay

Wararka Maanta

Waxaa jiro Su’aalo iyo Fikrado kala duwan oo layska waydiiyo waxtarka ama hormarka dalka iyo Caqabadaha ka yimaada Diyaasbarada ama Qorba-joogta Soomaaliyeed ee ku Soo laa banayay Gudaha Dalka 6-dii sano ee u danbaysay.

Qanaacada Qurbajoogta soo laabatay

Aqoonyahan Kamal Ismaaciil oo waxbartay Jamacada Est Africa ee Dalka Uganda ayaan ugu horayn waydiyay Kaalinta Hormarka ee Qorba-joogta dalka ku laabatay iyo wax yaabaha ay kusoo hordhiyeen dalka.

Dr:Kamal ayaa qaba inay wax wayn ka dabaleen dalka hormarkiisa iyo ayagoo samaynaya Maalgashi Xarumo Ganacsi oo ay kasoo maan guuriyeen Dalalka ay joogeen waxa uuna yiri”Qurbajoogta markaan ka eegno dhinaca maalgashiga iyo soo waaridida fikrado horumarineed Ee ay kasoo min guuriyeen wadamada horumaray door muhiim ah ayay Ku leeyihiin dhinaca dhaqalaha soo labashadoonuna waxay dhiirigalinaysa dadka qaran joogta ah Ee u hanqal taagayay inay qurba joog  noqdaan maadama laga soo  dayrinayo qurbaha noosha taala.

Qaribka ama Caqabadaha Qurbajoogta soo laabatay

Kasokow hadalka Dr: Kamal waxaa jira Caqabado laga sheego inay dalka ku hayaan dadka Qurbaha kasoo labtay iyo kuwa xilgan maqanba sida Amniga Warbixin kasoo baxday Hay’aada Nabad-Sugidda 2016 waxaa lagu sheegay in 90% dadka is qarxiyaa yihiin kuwa Qurbaha ka yimid. Waxaa kaloo jira Cabasho ay qabaan dadka joogay dalka garahaan Dhalinyarada oo ah in fursaha Shaqada lagu eexiyo dadka dibada ka yimid sida ka muuqata Hay’adaha Dowladda.

Aqoonyahan Kamal Ismaaciil oo aan arintan  markale wax ka waydiyay waxuu yiri” waxa ay saameyn wayn ku  leeyihiin dhibka iyo qalalaasaha wadanka ka jira waana meelaha kaliya ay qabyaalada xoogeede la dhihi karo way ku harsantahay waqtigaan la joogo ,dadka qurbaha kaso hayaama ee  dowlada xilalka ka qabtaana wadanka uma shaqeeyaan ee wayka shaqaystaan badankoodu

Dadka loo yaqaan Diyaasbarada ama Qurbajoogta waa  kuwa ugu  badan ee Xiligan haya Xilaalka Dowladda waxaana taas kugu wacan in Madaxwaynaha iyo Ray’iisul Wasaaruhu yihiin dadka dibada ka yimid waxayna badanaa Xilaalka u Magacaaban dad ayaga  lamida sidoo kale dadka ugu badan ee Dowladda baraha Bulshada ka Mucaarada ayaa ah Dadka Qurbajoogta ah. Qaran joogta ama Qorax joogta ayaana arintaan u arka in dad heli kara hooy kale oo ay ku laaban karaan dalku ka dagi la yahay.

Ceelhuur.com

Ceelhuuronline

W/Q:Ali-yare Abdiwahab Aden