NISA oo soo bandhigtay ninkii ka danbeeyay Qaraxii Dekadda Muqdisho (Sawirro)

Wararka Maanta

Ciidamada Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee (NISA) ayaa soo bandhigay  Maxamed Ibraahim Xasan oo ahaa Darawalkii Waday Gaarigii dhowaan lagu qarxiyey Afaafka Hore ee Dakadda Magaalada Muqdisho .

Maxamed oo ka sheekeeyay qaabkii loo soo abaabulay Qaraxaas ayaa sheegay in ay ahaayeen Shabakad ka kooban ilaa 6 Qof oo wadatayna laba gaari oo kala ah midka qarxay iyo midkale oo nooca raaxada ah.

“Waxaan ahaa Darawalkii Waday Gaariga ku Qarxay Dekadda Muqdisho ,waxuuna qorshuhu ahaa  in aan gaariga ku qarxiyo Albaabka Hore ee Dekadda kadibna gaari kale ee nooca raaxada ah oo ay saaranyihiin 5 Nin oo hubeysan  in ay gudaha u soo galaan Dekadda, hasa ahaatee Inta aan lagaarin xiliga qaraxa uu dhacayo habeenkeedii ayaan ka laabatay go’aanka ah in aan is dilo , waxaana sameeyay si aysan ii fahmin 5 kale ee howlgalkan ila waday ayaan gaarigii soo waday Habeenkii waxaana dhigay goobta uu ku qarxi doono subaxii”ayuu yiri Maxamed

Maxamed oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas kudaray in gaariga uu habeenkaasi goobta  ku waabariistay Marka lagaarayna subaxii halkaasi uu ku qarxay.

sonna

“Gaariga habeenkaasi waxaa uu ku baryay meel aan sidaas uga fogeen oo ah meesha subaxii uu ku qarxi doono, anigoo ka baqaya in la iqabto ayaan ka soo baxsaday goobta uu qaraxa ka dhacay waxaasa iga daba yimid Ciidamada Amaanka oo hada aan gacantooda kujiro”ayuu yiri Maxamed Ibraarim Xasan.

Taliyaha Ciidamada Nabadsugida Gobolka Banaadir Maxamed Xasan Faarax oo loo yaqaano (Faran-Far) ayaa sheegay in ninkan laga soo qabatay Deegaanka Lambar Konton Islamarkaana ay ku daba jiraan ragii kale ee shabakadaasi qeybta ka ahaa.

“Ciidamada NISA oo Isticmaalaya Tignoolajiyada Casriga ah ee lagu baaro Qaraxyada iyo daba-galka ayaa gacanta ku soo dhigay dhagarbe Maxamed Ibaraahim Xasan oo lagu daba jiray waxaana laga soo qabatay Deegaanka Labar Kontan ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyadoo Ciidamada Amaanka  ay ku daba jiraan dhagar-qabayaashii kale ee kula jiray howlgalkaasi Fashilmay.

Qaraxan oo dhacay 11/Dec/2016 Xili Subax Hore ah ayaa sababay dhimashada ku dhawaad 50 qof oo shacab ah iyo dhaawaca Lixdameeye kale.

Xigasho: Sonna

Tagged