Xarunt Akaadeemiyada Boolidka ee Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho waxaa goordhow ka bilaabanaya munaasabadda dhaarinta xildhibaanada cusub ee labada aqal.
Xarunta dhaarintu ka dhaceyso ayaa waxaa kusii qulqulaya xildhibaano iyo marti ka qeybgalaysa dhaarinta xildhibaanada Barlamaanka 10-aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa xiran, waxaana kaliya loo ogol yahay dadka lugeynaya iyo gaadiidka dowladda.
Barlamaanka Cusub ayaa yeelan doona gudoomiye kumeelgaar ah, oo noqonaya qofka ugu da’da weyn xildhibaanada jooga.
Wararka dhaarinta xildhibaanada kala soco website www.ceelhuur.com iyo barteena Facebookga https://www.facebook.com/ceelhuur.net