Faa Faahin:Diyaaradaha Mareykanka oo Duqeeyay Saldhigyo Al-Shabaab

Wararka Maanta

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Beerxaani oo ku yaalla Galbeedka Magaalada Kismaayo ayaa xalay waxaa duqeyn diyaaradeed ka fuliyay diyaaradaha Mareykanka ee aan duuliyaha lahayn.

Deegaanka la duqeeyay waxaa Maamula Al-shabaab,waxaana dhinaca dowladda Soomaaliya ay sheegeysaa in duqeyntaas uu ka dhashay khasaare gaaray xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa goobta la duqeeyay.

Taliyaha qaybta 43-aad ee Ciidamada dowladda Soomaaliya Ismaaciil Saxar-diid ayaa sheegay in duqeynta ay ka dhacday saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen Beerxaani islamarkaana ay ku dhinteen xubno Al-shabaab ka tirsan.

Saxar-diid waxaa uu sheegay in 15 ka mid ah Al-shabaab lagu dilay weerarka isaga oo xusay in xilliga weerarka uu shir ka socday saldhigga la duqeeyay.

Dhinaca Al-shabaab kama hadlin sheegashada Dowladda ee la xiriirta duqeynta Mareykanka ee deegaanka Beerxaani oo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose.

Mareykanka ayaa sanadkan weerarro badan ka fuliyay Soomaaliya waxaana Todobaadyadii la soo dhaafay weerarrada Mareykanka ay ahaayeen kuwo joogta ah,Khamiistii la soo dhaafay waxaa uu weerar ka fuliyay Gobolka Hiiraan,halka Arbacadiina weerar gaari Homy ah oo Moos waday lagu bur buriyay weerar ka dhacay degaanka Mubaarak ee Shabeellaha hoose.