Nemanja Matic: Manchester United Diyaar Ayey U Tahay Liverpool

Ciyaaraha

Ciyaaryahanka khadka dhexe Nemanja Matic ayaa dalbaday in Manchester United ay diirada saaraan 90ka daqiiqo oo dhan marka ay wajahayaan Liverpool garoonka Anfield Sabtida.

United ayaa ciyaareysa kulankaan iyadoo badisay lix ka mid ah todobo kulan oo Premier League ah, halka labo guul oo isku xigta oo Champions League ah ay gaareen.

29 jirkaan ayaa u sheegay MUTV: ” si fiican ayaan u diyaarsanahay, tababaraha ayaa helay fiidiyowyo dhowr ah si aan u aragno waxa Liverpool ay heysato kooxdooda iyo sida aan u joojin karno, sidaasi darteed waan hubaa inaan diyaar u noqon doono iyaga.

“sida ciyaar kasta – waa inaan diirada saarnaa 90-ka daqiiqo, waa inaan ilaalino faahfaahin yar, sababtoo ah waxay noqon karaan kuwo khatar ah.

“Qalad kasta oo yaryar ayay kugu ciqaabi karaan, sidaa darteed diiradeena waa mid aad u muhim ah, laakiin, dabcan, waa inaan isticmaalnaa tayadeena inaan goolal dhalino sidoo kale.”

Matic ayaa ah mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican horyaalka Premier League iyo Champions League xilli ciyaareedkan.