Home » Wararka Galmudug » Daawo Muuqaal Qurux badan Dugsiga Sare Baxdo Date :October 13, 2017 Author :admin

Daawo Muuqaal Qurux badan Dugsiga Sare Baxdo

Shabakadda Ceelhuur Online ayaa idinka diyaarisay Muuqaal Qurux badan Dugsiga Sare Baxdo. Baxdo waa magaalo 90 kiilo mitir bari uga beegan Magaalada Cadaado Caasimadda kumeelgaarka ah Dowlad goboleedka Galmudug.

Dugsigan waxaa lagu dhisay Mashruuc ay maalgalisay hay’adda Mercy Crops, waxaana mushaarka macalimiinta bixisa hay’adda Waxbarashada iyo Hormarinta Iftiin. sidoo kale Iftiin waxay maalgalisaa Dugsiga Hoose dhexe ee Baxdo.

Hay’adda iftiin ayaa maalgalisa ku dhawaad 10 iskool oo ku yaala deegaanada Galmudug. Dugsiga sare Baxdo ayaa waxaabaha gaar ka u ah waxaa ka mid ah in gabdhuhu ka tiro badan yihiin wiilasho. taas oo tilmaamaysa in gabdhaha Baxdo ka duwan yihiin gabdhaha magaalooyinka kale.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa muuqaalkan oo dhiiri gali horumarka dalkeena.

873 total views, 3 views today