Ciidamada Daraawiishta dowlad goboleedka Galmudug ayaa xalay ku guuleystay in ay cagta mariyaan jidgooyooyin ay maleeshi dhigteen inta u dhaxeysa Cadaado iyo Galinsoor.
Ciidamada ayaa kala eryay meeleeshiyadii isbaarooyinka dhigtay, waxaana maalmahaan dhibaato ka jirtay wadada u dhaxeysa Cadaado iyo Galinsoor, maleeshiyada ayaa ka faa’iideysanaysay buuq siyaasadeed ee Cadaado ka taagnaa.
Waxay burcadani goobahaas u yaalay ilaa 10 jidgooyo, iyagoo dhac u geysay gawaari, kuwo kalena rasaaseeyey. Ciidamada Daraawiishta ayaa saaka lagu arkayaa wadada laamiga ah. Waxaana arintaan soo dhaweeyey gaadiidleyda isticmaala wadadaan iyo dadka deegaanka.