Roberto Di Matteo Oo La Ceyrin Doono Beri

Ciyaaraha

38fe0eef00000578-3817615-image-a-140_1475353699508

Tababaraha kooxda Aston Villa Roberto Di Matteo ayaa la filayaa in la ceyriyo  48-da saacadood ee soo socota, sida ay sheegayaan wararka.

Kooxda ka dhisan West Midlands, s oo heerka labaad u laabatay  bishii May xili ciyaareedkii hore, ayaa ka dhacday booska 19-aad ee horyaalka Championship iyadoo keliya hal guul gaartay xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay The Mirror, tababaraha Talyaaniga  ayaa wada hadalo kula jira gudiga dhibaatooyinka Villa ka dib markii guuldarro sabtidii 2-0 ka soo gaartay Preston North End .

Tababaraha kooxda Bristol City Lee Johnson ayaa lagu soo waramayaa in lagu bedelo Di Matteo, kaas oo ku guuleystay Champions League xil cyaareedki Chelsea ee 2012.

Comments are closed.