Muwaadin Soomaali ah oo lagu xiray Australia

Wararka Dibadda Wararka Galmudug

Booliska wadanka Australia ayaa xabsiga dhigay nin dhalinyaro ah oo  asalkiisu yahay  Soomaali kaasoo lagu eedeeyay in uu qorsheynayay weeraro ka dhan ah dadka Australianka ah xilliga Ciidda Masiixiga.

Ninkan oo aan magaciisa la shaacin ayaa laga soo qabtay guri uu ka degenaa halka lagu magacaabo Werribee, oo qiyaastii 32 kilometers Koofur Galbeed ka xigta magaalada  Melbourne halkaa oo uu kula noolaa waalidkiis.

Booliska ma sheegin Magaca Ninkan hayeeshee waxaa ay sheegeen in uu yahay 20 Jir ku dhashay Australia waalidkiisuna yihiin Soomaali.

Shane Patton; oo ah Taliye ku xigeenka Booliska Melbourne ayaa sheegay in Ninkan uu qorsheynayay in uu weerar ku qaado fagaaraha Federaalka ee bartamaha magaalada marka ay dadka isugu yimaadaan isaga oo adeegsanaya qoryaha tooska u dhaca.

Ma jiro hub lagu soo qabtay Ninkan,waxaana kaliya la tuhmayaa in uu taageero Daacish oo ku hanjabtay in ay weerarro ka geysaneyso Dalka Australia.

Booliska ayaa sheegaya in Ninkan oo maxkamadda la geynayo maanta oo Talaado ah lagu heysto xiriirro dhinaca Internetka ah oo uu la leeyahay Alqaacidda iyo Daacish,mana jiraan dad kale oo gudaha Australia jooga oo uu la xiriiro.

ceelhuur.com