Ciidamada Xoogga Dalka iyo NISA oo isgarabsanaya ayaa saaka weerar ku qaaday deegaanka Miirdugul oo ay fadhiisin ka sameysteen ururka Alshabaab, deegaanka dirirtu ka dhacday ayaa qiyaastii 20 km bari uga beegan Magaaladaa Dhuusamareeb caasimadda Galmudug.
Ciidamadan oo ka ruqaansaday Dhuusamareeb ayaa halkaas dagaal ku dhexmaray ciidanka Alshabaab, Sida aan xogta ku helnay qarax ayaa lala beegsaday gaari ay leeyihiin ciidanka Xoogga Dalka, sidoo kale khaasarae ayaa soo kala gaaray labada dhinac, waxaana ciidanka dowladda dagaalka uga dhintay 1 askari, halka askari kale dhaawac soo gaaray.
Askariga ciidanka dowladda ee geeriyooday ayaa lagu Magacaabaa Cabdi Cali Hore sida ay inoo sheegeen saraakiil amni.
Dhanka kale ma cadda khasaarada dagaalka Alshabaab ka soo gaaray, waxaana labada ciidan ku sugan yihiin goobtii dagaalka, waxaana la filayaa in ay halkaas gaaraya gurmadyo labada dhinac ah, iyadoo ay suurtagal tahay in dagaalku dib u qarxo.
Alshabaab ayaa muddooyinka dambe weeraro ka geysanayey garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur Magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo fariisin u ah ciidamada AMISOM ee ka kala socda dalalka Jabuuti iyo itoobiya.